U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska oo Faahfaahin Ka Bixiyay Howlgal Lagu Qabtay Ciyaal Weero

Sheeko:Amniga
Ciidanka Booliiska Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho oo howlgal ay ka sameeyeen qeybo kamid ah xaafada deegaankaas ayaa waxaa ay kusoo qabteen  tiradii ugu badnayd oo ciyaal-weero ah, kuwaas oo watay tooreeyo iyo baangado, kooxdaan ayaa lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen dhibaateynta shacabka deegaanka.
Howlgalkaan oo sigaar ah uga dhacay waaxda Jabad-gelle ee degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dhamaantood lagu soo xiray saldhigga guud ee deegaanka Ceelasha Biyaha, howlgalkaan  ayaa qeyb ka ah xaqiijinta amniga, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciyaal Weerada ay muddooyinkii dambe wadeen falal amniga lid ku ah.
“Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo lala wadaagay Warbaahinta.
Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir iyo deegaannada ku xeeran ayaa muddooyinkii dambe waday howlgallo lagu baadi goobayo kooxaha Ciyaal Weerada ah iyo kuwa iibiya waxyaabaha maanka dooriya, iyadoo dhowr jeer ay ciidanku soo qabteen koox ka tirsan ciyaal Weerada, kuwaas oo dhibaato dhac iyo dil ah u geysta shacabka.
Goobjoog News