U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska oo Gacanta Ku Dhigay Nin Gabar Ardayad ah Ku Dilay Ceelasha Biyaha

Sheeko:Amniga

Ciidanka Booliiska qeybta Galbeed ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhogay nin loo lagu eedeeyay dilka habeen ka hor loo geystay marxuumad Hibo Qaasim Maxamed oo kamid aheyd ardaydii sanadkaan ku baasay imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda, waxaana ay u geeriyootay Toorey lagu dhuftay deegaan Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliiska qeybta Galbeed Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen eedeysane Jeylaani Aadan Abaadir oo ah ninka lagu tuhmaayo inuu ka dambeeyay dilka loo geystay Allah unaxariistee Hibo oo geeriyootay dhaawac uu geystay xilli uu ka qaadanayay Teleefoonka gacanta, waxaana dhaawac lagu geeyay Isbitaalka oo ay ugu ku geeriyootay.

” Waa Illahey Mahadiis inaan caawa gacanta kusoo dhignay dambiile Jeylaani Aadan Abaadir dhib u geystay, ama dilay oo u dilay Mobile dartiis Hibo Qaasim Maxamed oo ardayad aheyd, oo ka qalin jabisay dugsiga sare, farxad ayey ku sugneyd, laakiin murugo ayuu ugu bedelay ciddii dhashay iyo hooyadii dhashay oo Faaisa Maxamed Abuukar La yiraahdo, oo gabadhaas kusoo korisay Agoontinimo, dhibaato uu u geystay ayey la ilmeysay” ayuu yiri taliye Yaasiin.

Hooyada dhashay marxuumadda la dilay oo lagu magacaabo Faaisa Maxamed Abuukar oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay dhankeeda in ay ka mahadcelinayso dadkii dadaalka ku bixiyay sidii gacanta loogu dhigi lahaa dambiilihii dilka u geystay gabdheeda, waxaana ay sheegtay xilliga la dilayay in ay kasoo socotay Suuqa oo ay adeeg ka doontay marxuumada.

” Waa u mahadcelinaayaa dhallinyadii ii gurmatay, ee gabadhayda shalay iyadoo Sooman lagu dilay wadada, Alxamdullilaah Allah unaxariisto gabadheda, ciidanka ninkii gabdheyda ninkii dilay gacanta kusoo dhigayna waan u mahadcelinaa, Kheyr Allah siiyo, gabadheyda suuqa ayaan iskala imaanay, sii adeego ayaan dhahay inga ayaa kusoo maraayo, markaan soo laabtayna horteyda ayey baxday, waan soo wacay kadib buuqbaan arkay waan  anaxay” ayey tiri maama Faiza Maxamed.

Guddoomiyaha degmada Lafoole Nuur Ibraahim oo gabagabadii hadlay waxaa uu sheegay in dadaal badan oo ay sameeyeen ay keentay in lagu guuleysto in lasoo qabto ninkii dilka u geystay marxuumadda la dilay”Dedaal Badan Oo aan Sameyney Waxaan Ku Guuleysaney Inaan Gacanta Kusoo Dhigno Shaqsigii Ka dambeeyey Dilka Marxuumad Hibo Qaasim, waxaan aad ugu amaanayaa taliyaha saldhigga degmada Lafoole oo Kaalin adag ka qaatay” ayuu yiri gudoomiye Nuur Ibraahim.

Goobjoog News