U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska oo Toogtay Nin Miino Ku Aasayay Wadada Dhinaceeda

Sheeko:Amniga

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen ruux la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda  Al-shabaab, kadib markii uu isku dayay inuu Miino ku aaso wadada dhianaceeda.

Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Garsbaaleey ee duleedka Muqdisho, ciidanka ayaa la kulmay ruuxa la toogtay xilli ay ku jireen howlgal amniga lagu xaqiijiyay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Booliiska ayaa lagu yiri” Ciidanka oo howgal ku jira ayaaa la kulmay dharqabe rabay in uu waddada dhinaceeda ku aaso miino deegaanka Garasbaaley, dhagar qabaha ayaa sameeyay iska caabin waana la toogtay”.

Ciidamada Booliiska ayaa muddooyinkii dambe waday howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaana marar badan sidaan oo kale ciidanku ay toogasho ugu dileen shakhsiyaad la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab,

Goobjoog News