U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska oo War Kasoo Saaray Khasaaraha Weerarkii Pearl Beach

Sheeko:Amniga

Ciidanka Booliiska  Soomalaiyeed ayaa war kasoo saaray khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday dhismaha maqaayadda Pearl Beach ee ee degmada Cabdicasiis, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaas ay ku geeriyeedeen 6 ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale, dadka dhintay ayaa waxaa ku jira 3 ka tirsanaa ciidamada ammaanka.

Howlgalka samatabixinta ayaa inta uu socday waxaa lasoo badbaadiyay 84 Muwaadin, waxaana howlgalkaan lasoo afjaray waabarigii hore ee saakay sida ay warbaahinta u sheegeen ciidamada ammaanka ee ku howlanaa.

Weerarka lagu qaaday maqaayadda dhismaha maqaayadda Pearl Beach ee ee degmada Cabdicasiis ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe caasimadda dalka ay aheyd mid xasiloon oo aan Qaraxyo laga maqli jirin.

Goobjoog News