U bood dhigaalka

Puntland Oo Qabatay Nin Horay Dad U Dilay

Sheeko:Amniga

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland oo howlgallo ka sameeyay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin ay sheegeen inuu horay dil ugu geystay laba qof oo shacab ah.

Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer Ina caano boore, ayaa ciidamadu waxaa ay ku eedeeyeen inuu dil u gaystay labada marxuum oo magacyadadoodu ciidanku ay ku sheegeen, Marxuum Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse

Mowliid Caano Boore oo in muddo ah ciidamada Booliska ay ku raadjoogeen ayaa waxaa mar sii horeysay isaga oo ka maqan gacanta laamaha Amniga xukun ku riday maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Mudug kadib markii lasoo eedeeyay.

Taliska ciidamada Booliska gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland ayaa dhanka kale wacad ku maray in ay si adag ula dagaalami doonaan dadka ka ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, waxaana socda howlgallo ka dhan ah.

Goobjoog News