U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska Somaliland oo Gacanta Ku Dhigay Dad Faafinayey Diinta Kiristaanka

Sheeko:Amniga

Booliska Somaliland ayaa Hargeysa ku xiray labo qof oo ka baxay diinta Islaamka isla markaana bilaabay in ay faafiyaan diinta Kirishtaanka.

Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay labada qof oo ay todobaadkii hore ciidanku soo qabteen, iyagoo gudaha Somaliland ku faafinaya diinta Kirishtanka.

“Todobaadkii hore ciidanka booliska waxa ay soo qabteen labo qof murtidiin ah oo Diinta Islaamka ka baxay, isla markaana noqday daaciyiin Diinta Kirishtaanka faafinayay, cidkasta oo is tiraahda diinta Kirishtaanka halkan ku fidi gacanta ayaa lagu qaban doonaa” ayuu yiri Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi.

Afhayeenka ayaa xusay in kiiska labada qof loo heysto ay tahay inay yihiin dad murtidiin ah oo diinta Islaamka ka baxay, lana soo taagi doono si loo marsiiyo sharciga, isagoo dadweynaha ka codsaday in cid Alle iyo ciddii ay uga shakiyaan ay ku soo wargeliyaan booliska Somaliland.

Goobjoog News