U bood dhigaalka

Ciidanka Danab iyo Kuwa Jubbaland oo Howlgal Wadajir ah Fuliyay

Sheeko:Amniga

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Danab iyo Nabad sugidda Jubbaland ayaa howlgallo waxaa ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Jubbada hoose,kaas lagu burburiyey xarumo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Howlgalkaan oo ajaa  qorsheysan ayey ciidanku ka fuliyeen deegaanadad kala ah: Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus iyo Yaaq dabayl oo ka tirsan gobolka Jubada hoose oo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada hoggaaminaysa ayaa howlgalka lagu dilay 23 kamid ah Khawaarijta kuwaas oo ay ku jireen laba horjooge oo kala aha Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab) sida lagu xusay bayaan lagu faafiyayWarbaahinta Dowladda oo looga hadlay howlgalka dhacay.

Ciidamada dowladda federalka oo kaashanaya kuwa Jubbalanad ayaa muddooyinkaan waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaannada maamulka Jubbalanad,kaas oo ay ku doonayaan in Al-shabaab ay kaga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin oo ay ku jirto caasimadda rasmiga ah ee maamulka ee Bu’aale.

Goobjoog News