U bood dhigaalka

Ciidanka Danab oo Ka Warbixiyay Howlgal Laga Sameeyay Jubbaland

Sheeko:Amniga

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay in howlgal laga sameeyay Jubbaland lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale lagu qabtay kuwa kale sida ay hadalka u dhigeen taliska ciidanka Danab.

Howlgalkaan ayaa waxaa laga fuliyey deegaan Ceelcadde oo 30 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul goboleedka Jubbaland, waxaana sarkaal u hadlay uu sheegay in deegaan lagu dilay 11 Al-shabaab ah.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab Carab dheeg Axmed oo howlgalka hoggaaminayey ayaa xusay in sidoo kale laga furtay saanad hubka kiisa fudud ah.

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ay ka sameeyaan inta badan deegaanno kala duwan oo dalka ah, waxaana mararka qaar dagaal ay kala kulmaan xoogagga Al-shabaab.

Goobjoog News