U bood dhigaalka

Ciidanka Danab oo Sheegay in Saraakiil Ajaanib iyo Soomaalia ah oo Ka Tirsan Al-shabaab Lagu Dilay Jubbada Dhexe

Sheeko:Amniga

Ciidamada Kumandoska Somaaliya ee Danab ayaa sheegay iney weerareen degaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, iyaga oo sheegay in ay khasaare ugu geysteen  Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga ee Danab ayaa intaas ku daray in xiliga ay weerarka  ku qaadayeen uu degaanka Carabow shir uga socday saraakiil sare sare oo ka tirsan Al-shabaab , ayna weerar ku qaadeen markii ay xogtaas heleen sida ay sheegeen taliska ciidamada xoogga dalka ee Danab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandoska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa  wuxuu Warbaahinta qaran u sheegay in ciidanka ay gacanta ku dhigeen goobtii uu shirku uga socday  saraakiisha ka tirsan  Al-shabaab waxaana ay sheegeen in ciidamada ay weerarka ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ajaanib iyo Soomaali isugu jira.

G/lle Maalin ayaa xusay iney weerarka ay ku dileen saddex sarkaal oo mid ka mid ah uu kasoo jeedo dalka Maali oo ka tirnasanaa Al-shabab iyaga oo intaas ku daray oo mid ka mid ah , lagu magacaabo (Abuu Ayman) Sidookale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada Sarkaal  ee kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan Magacyadooda, isagoo xusay in sidoo kale ay dileen dagaalamayaal fara badan oo goobtaas ilaalo ka ahaa.

Goobjog News