U bood dhigaalka

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo Danab oo Howlgal Ka Fuliyey Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland oo kaashanaya ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal wadajir ah oo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaanno iyo Tuulooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida ay baahisay nabadsugidda iyo sirdoonka Jubbaland.

Ciidamada wadajira ee  Jubbaland iyo kuwa Danab ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyey tuulada Kaamjaroon iyo deegaano kale, kana tirsan Gobolka, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, taliska ayaa sheeegay intii howlgalka uu socday in ay burburiyeen fariisinno ay lahaayeen.

Qoraal kasoo baxay nabad sugidda Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada waxaa ay sheegeen in xabsi ku yaalla  Tuulada Kaamjaroon ay ka sii daayeen Maxaabiis ku xirneyd  isla markaana markii halkaas ay  gaareen Ciidanka ay isaga tageen Al-shabaabkii ku suganaa sida lagu sheegay qoraalka.

Goobjoog News