Ciidanka DFS Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gedo

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada xoogga dalka iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar ku  qaaday deegaannadaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Al-shabaab, islamarkaana la sheegay in shacabka halkaasi ku dhaqan ka qaadanayeen xoolo badan.

Saciid Abshir Cartan, isu-duwaha wasaaradda beeraha Jubbaland ee degmada Baardheere ayaa sheegay in dagaalkan xooggiisa uu ka dhacay deegaanka Baar Macalin oo duleedka ka xiga Baardheere iyo deegaanno kale.

Waxaa jira khasaare soo kala gaaray Labada dhinac, wallow saraakiisha ciidanka dowladda ay sheegeen iney dileen ku dhowaad 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Baardheere, Maxamed Cali C/laahi oo isna warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo lagu badbaadinayey shacab Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin weerarkan ay kala kulmeen ciidanka dowladda federaalka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW