U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Iyo Kuwo Ajaaniib Ah Oo Weerar Ka Fuliyey Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwo la sheegay iney ahaayeen Maraykan ka fuliyeen deegaanka Baladul-amiin ee gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarkan oo dhacay xalay ayaa ugu horreyn diyaarado dagaal waxa ay duqeeyeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.

Duqeynta waxaa xigtay ciidan lug ah oo deegaanka galay, waxaana ay la dagaallameen ciidamada Al-shabaab, iyadoo halkaasi khasaare ay ka dhalatay.

Lama oga illaa iyo hadda inta uu khasaaraha la egyahay, hase ahaatee saraakiil u hadashay ciidanka xoogga dalka waxay sheegeen iney dileen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Al-shabaab dhankooda waxay sheegeen iney iska caabiyeen ciidankii soo weerareen, islamarkaana khasaare ay soo gaarsiiyeen.

Marar badan sidan oo kale, ciidanka xoogga dalka iyo kuwo ajaaniib ah ayaa weeraro uga fuliyey deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Goobjoog News