U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Deegaanno Hor Leh Kala Wareegay Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose, waxay kula wareegeen deegaanno Al-shabaab maamuli jireen.

Ibraahim Aadan Cali. guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose ayaa u sheegay warbaahinta, in ciidanka ay la wareegeen deegaannadan oo hoostaga magaalooyinka Marka iyo Baraawe.

Wuxuu sheegay in ulajeedka howlgalkan uu ahaa sidii Al-shabaab looga bixin lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Shabellaha Hoose, wuxuuna tilmaamay in halkaasi ay shacabka ku dhibaateyn jireen.

Ma jirto faah faahin kale oo ku aaddan in howlgalladan inta ay socdeen uu ka dhashay khsaare iyo in kale, xaaladuna waa mid deggan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal waxay maalmahan dambe ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News