Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Shabellaha Dhexe

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, halkaasi oo falalka amni darri kusoo bateen.

Sida ay sheegeen goob joogayaal, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay rag la sheegay in looga shakisan yahay Al-shabaab, waxaana ku socda baaritaanno.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa ka gaabsaday in faah faahin bixiyaan, maadaama weli howlgallada yihiin kuwo socda.

Dhowaan ayeey ahayd, markii qarax Miino oo ka dhacay tuulada gololey ee Shabellaha Dhexe ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW