U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Ku Goodiyey Iney Faarujinayaan Degmada Baraawe

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka cabanaya mushaar la’aan Afar bil ah, iyaga oo ka hadlay baahida ay qabaan.

Qaar ka mid ah ciidankan oo warbaahinta la hadlay ayaa  hanjabay in 48-saac gudahood haddii aanay madaxda DFS degdeg uga jawaabin arrintaasi ay isaga soo bixi doonaan magaaladaasi.

Waxa ay sheegeen sidoo kale in aanay helin raashiinkii ay garaam ahaan u qaadan jireen ciidankan oo ay xitaa waayeen waxa ay cunaan.

“Muddo 48-saac haddii aanay dowladda uga soo jawaabin baahida haysa ciidamada waan faarujin doonnaa degmada, waxaana mas’uul ka ah madaxda dowladda” sidaasi waxaa yiri sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Baraawe.

Waxaa maalmahan dambe soo badanaya askarta xoogga dalka ee ka cabanaya mushaar la’aan iyo raashiin la’aan, xilli xukuumadda federaalka ay sheegtay iney bixisay mushaaraadka ciidanka.

Goobjoog News