U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Muqdisho Ku Toogtay Nin Xirnaa Dareeska Ciidamada

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho ku toogteen nin xirnaa dareeska ciidanka islamarkaana hubeysnaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ninkan ay ciidanka ku raadjoogeen kadib markii la sheegay inuu ka mid ahaa rag dhac u geysan jirey dadka shacabka ah.

Ciidamada ayaa isku dayey iney nolosha ku qabtaan ninkaasi hase ahaatee dagaal ayuu la galay, taas oo keentay in ugu dambeyn la toogto.

Ma jirto weli faah faahin kale oo laga helayo ninkan la diley, balse waxaa socda baaritaanno dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada ammaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News