Ciidanka DFS Oo Rag Hubeysan Ku Qabtay Degmada Dharkeenley

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ballaaran ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, iyaga oo kusoo qabtay howlgalkaasi rag hubeysan.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, inuu arkay ciidanka oo wada 5 qof oo Labo ka mid ah yihiin kuwo hubeysan.

Raggan la qabtay ayaa la sheegay in dhac ay ka geysan jireen degmada Dharkeenley, balse weli sharaakiisha Booliiska ee howlgalkaan sameeyeywax faah faahin ah ma aanay bixin.

Maalmihii ugu dambeeyey, ciidamada Booliiska ayaa howlgalllo ammaan sugid ah ka waday magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW