U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Xiray Waddooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow waxay xireen waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan la sheegin sababta loo xiray waddooyinkan ayaa hadana waxaa la arkayaa ciidamo badan oo ku sugan waddooyinkan, gaadiidkana u diidaya iney maraan.

Waxaa xiran isku gudubka waddooyinka wadnaha iyo Makka Al-mukarrama, sidoo kalena wadada Makka Al-mukarrama ayaa loo diidayaa gaadiidka shacabka.

Gaadiid badan ayaa xayiran kuwaasi oo ay saaran yihiin shacab, misane aan horey ugu talogelin waddooyinkan in la xirayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News