U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Gobolka Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan ayaa dhex maray ciidanka dowladda iyo Al-shabaab kadib markii kooxda Al-shabaab weerar ku soo qaadeen fadhiismo ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaanada Doonka, Mukayga, iyo Buundayereey oo dhaca shabeelaha hoose.

Dagaalka ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa soo weeraray saldhigyada ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaano hoostaga Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhanka kale ciidanka dowladda ayaa la sheegayaa in uu soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac ah waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan.

Goobjoog News