U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo Howlgal Ka Sameeyay Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa midowga Africa ee AMISOM ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyeen degmada Buulo Burde ee goboka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Howlgalka ayaa waxaa saraashii hoggaaminaysay ay sheegeen in lagu soo qabtay tiro dad ah, kuwaas oo la geeyay saldhigga degmada, waxaana saraakiishu ay sheegeen in howlgalkaan uu sii soconayo lagu xaqiijinayo amniga.

Dhamme Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta kadib howlgalka  ayaa sheegay in  laga sameeyey xaafadaha kala duwan ee degmada, waxaana uu u timaamay inuu sii socondoono maalmaha kale inta lagu jiro Ramadaanka.

Goobjoog News