U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Deegaanka oo Al-shaabaab Kula Dagaalamay Deegaanka Moqokori

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda oo garab ka helaya ku deegaanka ee dib u xoreynta iyo xooggag ka tirsan Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii  Al-shabaab ay soo weerareen deegaanka Ceelqooxle, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo dhaxeeya llabada dhinac sida ay sheegayaan wararka.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dhowaan Al-shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori, waxaana qoraal kasoo baxay dowladda lagu sheegay in deegaanka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaaab.

Gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa mudooyinkii dambe ka socday howlgallo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka iyaga oo la wareegay deegaanno dhowr ah.

Goobjoog News