U bood dhigaalka

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay deegaan hoostaga Aadan Yabaal

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanayo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Ceel-dheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhxe oo fariisinka Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka oo ay ku sugnaayeen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Howlgalka ay ciidanka deegaanku kula wareegeen goobtaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka  iyo ciidaanka Kumaandooska ee Danab, deegaankaan ayaa ah muhiim u ah isku socodka galbeedka gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellaha dhxe.

Ciidanka dowladda dowladda ka hor inta aysan qabsan deegaanka ayaa waxaa ka dhacday duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ay sheegayaan in duqeymahaas ay geysteen khasaare kale duwan oo soo gaaray Al-shabaab.

Galbeedka gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka, qabsashada Ceel-dheere Buraale ayaa ciidanka ka saacidi doonta in ay la wareeha Aadan Yabaal oo ah farrisin ugu weyn ee Al-shabaab.

Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaa dhowaan tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka uu ugu baaqay in ay dardar geliyaan howlagallada ka soconaya deegaannada Hirshabeelle.

Goobjoog News