U bood dhigaalka

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Wabxo

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, deegaankaan ayaa muddo dhowr iyo  toban sano ah waxaan ka talinayay Al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka.

Deegaanka ayaa ciidanku waxaa ay gudaha u galeen maanta galinkii hore kadib markii deegaan u jira dhowr km ay kula dagaalameen Al-shabaab laba jeer, waxaana xusid mudan in deegaanka Ceelgorof oo hoosyimaado Wabxo ay ka dhaceen duqeymo diyaadeed oo lala eegtahay Al-shabaab.

Wabxo ayaa waxaa ay 40 km u jirtaa magaalada Ceelbuur oo ah fariinsinka ugu weyn oo ay Al-shabaab ku leeyihiin qeybo kamida gobolka Galgaduud, ciidanka qabsaday Wabxo ayaa kasoo dhaqaaqay degmada Maxaas oo ah saldhigga ay kaga duulayaan gobolka Galgaduud deegaannadiisa.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo kasoo dhaqaaqay magaalada Guriceel ayaa sidoo kale la wareegay deegaanka Ceellahelay deegaanno hoosyimaada, waxaana ciidanka labada jiha ka socda ay sheegeen in ay ku siijeedaan degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoosyimaada.

Al-shabaab oo deegaanno dhowr ah kaga sugan deegaannada Galmudug ayaa markaan waxaa ay wajahayaan culeys kaga imaanaya ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka, waxaana howlgallo nuucaan oo kale ah ay ka socdaan gobollada Hiiraan labada Shabeelle, Baay iyo Bokool.

Goobjoog News