U bood dhigaalka

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo isaga soo baxay magaalada Wabxo

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Wabxo ee bariga gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa isaga baxay deegaanka oo ay la wareegeen maalin ka hor.

Warar kale duwan ayaa kasoo baxayo sababaha ka dambeeyay in ciidanka ay isaga soo baxaan Wabxo, Al-shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanka oo ay ku sugnaayeen dhowr iyo tobankii sano lasoo dhaafay.

Taliyaha hoggaaminaayay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa sheegay in sababaha keenay ay tahay inuu jiro khilaaf soo kala dhexgalay taliska ciidanka qeybihiisa.

Ciidanka dowladda ayaan la fileyn in ay isaga soo baxayaan deegaan, maadaama ay sheegeen in ay ku sugnaanayaan oo ay ku wajahan yihiin deegaannada kale ee gobolka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Goobjoog News