U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo Macawisleyda oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda federalka iyo kuwa Macawisleyda oo howlgallada ka wada gobolka Hiiraan ayaa maanta la wareegay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee Koonfurta gobolka Hiiraan, waxaana deegaanka gaaraya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiin ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Al-shabaab iyo ciidanka huwanta ah ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaanka Goobo oo hoos taga Maxaas, waxaana ugu dambeyn ciidanka u suurtogashay in ay la wareegaan deegaanka, gobolka Hiiraan sidoo kale ciidanka ayaa la wareegay Fiidoow oo ka tirsan gobolka oo muddo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27 aad ee ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed  G/Sare Maxamuud xasan ibraahim baakaay, gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan, xildhibaan C/qaadir Abuukar dhagaweyne iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray Degaanka Goobo  oo ciidanku ay la wareegeen.

Gobolka Hiiraan iyo degaanno badan oo katirsan gobollada dalka waxa ka soconay howlgallo  ka dhan ah Al-shabaab iyadoo ciidanka dowladda iyo macawisleyda ay kula wareegeen deegaanno badan oo dhaca Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, iyadoo howlgalka uu hoggaaminayo guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Goobjoog News