U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo oo Ku Dagaalamay Budbud, Kadib Weerar Lagu Qaaday

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay howlgallo ka wadaan deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga, kadib dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku bilowday kusoo qaadeen deegaanka iyo fariinno ay ciidanka ay ku sugaanyeen.

Waxaa xigay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay labada dhinac, kaas oo soo gaaray fiidkii xalay, waxaana jiray in ay deegaanka gaareen ciidamo kale duwan oo gurmad ah, oo ka kala yimid gobolka Galgaduud, saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

Khaliif Cumar Macalin Nuur oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan deegaanka oo la hadlayay Goobjoog News la hadlaya ayaa sheegay in ciidanku ay wadaan howlgallo ay iyo abaabulkii ugu dambeeyay ay ku gaarayaan deegaanno hor leh, isaga oo sheegay in maalmaha soo socda ay gaari doonaan degmada Ceelbuur.

Khaliif oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in maalmaha ciida ay rajaynayaan in shacabka Soomaaliyeed ay kula ciidaan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab sida uu sheegay ” Waxaan kuu sheegayaa in maalinta ciidda ah dad badan oo dhib ku jira ay farxad ku ciidaan, saacadaha soo socdana war lagu farxo ayaad maqli doontaan”

Dagaalamayaasha Al-shabab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Budbud, walow ciidanka ay sheegeen in aysan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaas, marka laga reebo gawaari ciidan oo waxyeelo ay soo gaartay, deegaankaan ayaa dhowaan waxaa la wareegay ciidanka dowladda federalka iyo kuwa deegaanka.

Gobolka Galgaduud deegananada Bariga ayaa waxa ka socda howlgallo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku doonayaan in Al-shabaab ay kaga saaraan degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoostaga oo dagaalamayaal ka tirsan kooxda ay ku sugan yihiin, waxaana ciidanku ay ku jiraan abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalka socda.

Goobjoog News