U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaan Ka Tirsan Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka qeybta todob iyo labaatanaad oo muddooyinkii dambe howlgallo ka waday gobolka Hiiraan ayaa maanta Al-shabaab kula dagaalamay deegaan lagu magacaabo Hees oo hoos taga degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Ciidanka ayaa howlgal ay qaadeen kula wareegay deegaankaan oo ay fariisinno ku lahaareen xooggag ka tirsan Shabaab, ciidanka ayaa sheegay in ay gurburiyeen saldhigyada ay ku lahaayeen deegaanka, iyagoo si buuxda ula waareegay

Howlgalka ciidanku ay maanta ku qabsadeen deegaan Hees oo hoos taga degmada Matabaan ayaa imaanaya iyadoo wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne Cali Guudlaawe ay ku sugan yihiin Matabaan , ciidanka ayaa gobolka ka  wada howlgallo.

Goobjoog News