U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Hoostaga Gobolka Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidanka daariishta gobolka Shabeellada hoose iyo qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga dalka  Soomaaliyeed Ayaa Maanta Al-shabaab  kala wareegay gacan ku haynta deegaannada Jambaluul iyo Kaxarow oo dhanka qoraxsin kaga Beegan Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeekaha Hoose, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Ciidanka ayaa sheegay intii howlgalku socday in ay burburiyeen Maxkamad ku taalay  Deegaanka Jambaluul oo Al-shabaab ay la haayeen,  waxayna ciidanku soo bandhigeen sidoo kale agab kala duwan oo goobto yaallay, Al-shabaab ayaa isga deegaanka markii ay ka warheleen in cidanku ay kusoo wajahan yihiin, majirin dagaal culus oo ka dhacay.

Dhame xashii Maxamuud bullaale oo ah taliyaha  ururka 1baad ee guutada 1baad daraawiishta gobolka Shabeelaha Hoose  islamarkaana hogaaminaayay howlgalka ayaa sheegay in Ciidaka daraawiishtu ay Burburiyeen taliskii alshabaab Ee Deegaanka Kaxarow oo u dhow Jambaluul sida uu u sheegay warbaahinta dowladda uu la hadlayay.

Taliyaha ciidanka daariishata gobolka Shabeelaha Hoose G/sare Nuur Xayir ayaa Sheegay In Howlgalkaan Uu Sii Socon doono islamarkaana ay qorsheynayaan in Al-shabaab ay ka saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka sida uu hadalka u dhigay, deegaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socdo howlgallo kale duwan.

Goobjoog News