U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab Kala Wareegay Degmada Aadan Yabaal

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda federalka oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa maanta la wareegay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo labadii maalin uu ka socday howlgal ay wadeen ciidanka huwanta ah oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga oo duqeymo ka geystay degmada.

Gudoomiyaha degmada Aadan Yabaal  Maxamuud Sheikh Xasaan oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay u suurto gashay in ay la wareegaan degamada, taas oo dhowr iyo toban sano saldhig u aheyd dagaalamayaasha Al-shabaab oo laga saaray Aadan Yabaal.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa horay Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka, tii oo ay jirto in degmadaan ay ku taallo xadka gobolka Shabeellaha dhexe ku xira gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana uu sheegay guddoomiyaha in ay sii wadayaan howlgallada socda.

Goobjoog News