U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Oo Gacanta Ku Dhigay Nin La Sheegay Inuu Dilay Taliyahii Nabad Sugidda Sh/dhexe (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gacanta waxay ku dhigeen nin la sheegay inuu ka dambeeyay dilka taliyahii ciidanka Nabad sugidda ee gobolka Shabellaha Dhexe C/weli Ibraahim Maxamed.

Shaqsigaan oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha la dilay ayaa waxaa la geeyay halka lagu aasayey meydka taliyaha, waxaana la dul istaajiyey Meydka.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe Cali Guudlaawe oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida dadaal ay sameeyeen kusoo qabteen shaqsigan dilka ageystay.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in maxkamad lasoo taagi doono gacan ku dhiiglaha, lana marin doonno waxa ay cadaaladda ka qabto falka uu sameeyay.

Abaare 7-dii fiidnimo ee xalay ayaa degmada Jowhar waxaa lagu dilay taliyaha ciidanka nabad sugidda ee gobolka Shabellaha Dhexe C/weli Ibraahiam Maxamed waxaana mas’uuliyadda dilkaasi sheegtay Xarakada Al-shabaab.

jum_3

Aas3 Aas2 Aas1

Goobjoog News