U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Oo Holwgalo Ka Sameeyay Deegaano Ka Tirsan Jubadda Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidanka kumaandooska dowladda federaalka Soomaaliya gaar kuwa loo yaqaan ee Danab ururka 5-aad oo ka tirsan guutada 16-aad iyo kuwa Jubaland ayaa howl-galo ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Jubadda Hoose, howlgalkaan ayaa ahaa mid amiga lagu xaqiijinaayay kaas oo ka dhan dagaalama-yaasha Al-Shabaab.

Deegaannada laga sameeyay waxaa kamid ah Cabdi Dhore,Qudus, Beer-Xaani iyo deegaano kale oo dhowr ah, saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay la-wareegeen goobahaas.

Ciidamada ayaa mid mid u baaray guryaha iyo goobo kale oo ay Al-shabaab iskaga bexeen, iyakoo tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo gaaray ku dhawaad ilaa seddex ruux.

Si kastaba Ciidanka dolwadda iyo Kuwa Jubaland ayaa maaalmihii lasoo dhaafay waxay howl-galo ka sameeynayeen deegaano katirsan jubland kaas oo looga soo horjeeday weerarrada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deeganadaas.