U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Howlagallo Kula Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka oo howlgallo ka waday qeybo kamid ah Galmudug ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab ka saaray tuulooyin hoostaga deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud, iyagoo ku gaaray howlagalkooda Tuulada Ceel Cali Xasan oo hoostagta magaalada Galcad

Taliyaha Guutada 3aad ee qaybta 27aad Ibraahim Yuusuf iyo Taliyaha Guutada 4 ee Qaybta 27aad ee xooga dalka ayaa sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulooyinka uu ka socdo howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee u dhaxeeya labada magaalooyinka Ceeldheer iyo Galcad.
Wararka ayaa sheega in Al-shabaab ay baneeyeen farisino dhowr ah oo ay ku lahaayeen deegaannadaas, kadib markii ciidanka huwanta ah ay gaareen deegaanno u dhow, waxaana qeyb ka ah Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Axmed Maxamed Cali Afcadeey iyo masuuliyiin kale.
Ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale howlgallo amniga lagu xaqiijnayay waxaa ay ka sameeyeen tuulooyin hoos -taga magaalada Budbud ee isla gobolka Galgaduud, iyaga oo halkaas ku burburiyay fariisimo iyo Ceelbiyoodyo, sida uu u sheegay Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad Kornayl Saneey Cabdulle.
Taliyaha ayaa xusay Intii uu socday howlgalka ay  ciidamadu soo bixiyeen Miinooyin la galiyay Jidadka ugu  ay isticmaalaan shacabka gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe kaas oo isku xira Magaalooyinka Wabxo, Budbud iyo Galcad, isaga oo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ku jiraan.
Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo muddooyinkii dambe ciidanka  ay ku jireen abaabulkii ugu dambeeyay ay ku doonayaanin ay kula wareegaan deegaanno dhowr ah oo Al-shabaab ay xilligaan kaga sugan yihiin gobollada Hiiraan Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle iyo Galmudug.
Goobjoog News