U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Howlgal Kula Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda oo kaashanayo dadka deegaanka oo howlaggallo ka bilaabay deegaanno ka dhaca gobolka Galgaduud ayaa maanta la wareegay deegaanka Sinidhiqo oo hoos yimaado magaalada Dhuusamareeb, kadib weerar iyagu ay qaadeen.

Ciidanka dowladda ayaa waxaa la sheegay in weerar lagu qaadeen Ceel biyood ku yaalla deegaanka Sinadhaqo, halkaas oo la sheegay in ay isku uruursanayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, sida lagu baahiyay wakaallada wararka qaranka.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu yahay mid aad u culus, waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka, maadaama dhulka lagu dagaalamayo intiisa badan uu yahay dhul ay degan yihiin dadka reer miyiga.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeysay waxaa ay magaalada Dhuusamreeb ay geysan ciidan badan, kuwaas oo la sheegay in ay u jeedkoodu uu yahay in ay gaaraan deegaannada u dhaxeeya Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Goobjoog News