U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Howlgal Kula Wareegay Deegaanka Masaajid Cali Guduud

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga Soomaaliyeed dalka oo maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka waday gobolka Shabeellaha dhexe ayaa maanta la wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga degmada Raagaceelle, ciidanka ayaa gudaha u galay deegaanka oo kamid ah saldhigyadii ugu waaweynaa ee Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka.

Ciidankaan oo muddooyinkii dambe isku uruursanayay deegaan xeebeedka Cadale, oo ku jiray abaabulkii ugu dambeeyay ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan deegaannada gobolka Shabeellaha dhexe ay kaga sugan yihiin Al-shabaab, qeybo kamid ah Hiiraan iyo sidoo kale gobolka Galgaduud qeybo kamid ah sida loo qorsheeyay ciidankaasi.

Deegaanno dhowr ah oo u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar ayey  ciidanku horay ula wareegeen gaar ahaan Gololeey Daa’uud, Deegaanka Xawaadley,  Baadiyaha Qalimow, Basro, Shanlow Mareerey, Maqdas Baaney , Buulo-doonka,  oo dhammaantood ka tirrsan gobalka Shabeellaha dhexe, kuwaas oo ay horay ugu sugnaayeen Al-shabaab.

Ciidanka ayaa si buuxda  waxay ulawareegay intii u dhaxeyusay 14-kii bishaan  ilaa 21-ka October oo deegaannada kala ah  Warciise, Bakajeex, Gaaleef, Qoordheere, Warkulan,  xabaalo roobey iyo Wardhagax, xabaalo roobey iyo war dhagax iyo deegaanka Jamaaco, kuwaas oo hoostaga Masaajid Cali Gaduud oo maanta lala wareegay.

Ciidankii ugu badnaa oo xoogga dalka ka tirsan oo ay hoggaaminayaan saraakiil sarsare iyo xildhibaanno ayaa ku sugan deegaanka Cadale oo deegaan Xeebeed isku xirka gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyo Galgaduud muhiim u ah waxaana ay sheegeen in sii wadayaan  howlgallada ka socda gobolkaShabeellaha dhexe.

Goobjoog News