U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Is Ballaarin Ka Wada Xuduudka Kenya

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka ee sugan xuduudka wadanka Kenya uu la wadaago Soomaaliya ayaa saacadihii tagay  halkaas kawaday isbalaarin, kadib fariin hanjabaad u muuqatay oo maalinimadii shalay kasoo yeertay dowaladda Kenya oo warbaahinta qortay.

Ciidamada oo horay ugu sugnaa dhanka xuduudka Balad Xaawo iyo Mandheera ee Milaratiga oo ay kaabayaan ciidamadii dhowaan halkaas la geeyey ee Danab ayaa isku ballaariyey teerdka  xuduudka sida Goobjoog News ay u sheegeen dad ku sugan xuduudka Balad Xaawo.

Taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Gedo Bakaaal Kooke oo ciidamada kula hadlay xuduudka ayaa kula dardaardaarmay in ay dardargeliyaan xasilinta xuduuda, iyadoo dhwaan Miltariga labada wadan ay isku rasaaseeyeen halkaas.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa muddooyinkii dambe aad xumaa cilaaqaadka ka dhaxeeyo, iyadoo dhowaan dalka laga joojiyey qaadkii ka imaanjiray Kenya, la keenijiray dalka, wolow Doomo soo mara badda ay soo geliyaan Qaadka, kaas lagu kala iibsado magaalada caasimadda ah, iyadoo welina aan xal laga gaarin kiiska Badda.

Goobjoog News