U bood dhigaalka

Ciidanka dowladda oo kaabiga ku hayo Wabxo iyo dagaal ka dhacay deegaan hoostaga

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xoogga oo ciidanka dowladda oo taageero ka helay kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan hoosyimaada magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud, deegaanka lagu dagaalamay ayaa lagu magacaabaa Ceelgorof, waxaana uu 8km u jiraa deegaanka Wabxo.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo ku wajahanaa Wabxo ay dagaal kala horyimaadeen Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka, waxaana uu intaas ku daray in dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanka, kaas oo dhaliyay in dadku barakac sameeyaan.

Ciidanmada huwanta ayaa ugu dambeyn ku guuleystay qabsashada deegaanka Al-shabaab ayaa isaga baxay Ceelgorof sida uu sheegay iyagoo difaacyo ka sameystay, waxaana uu sheegay in ciidanka dowladda ay wadaan guluf ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan deegaanka Wabxo oo hoosyimaada degmada Ceelbuur ee Galgaduud.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ay isku aruursanayeen degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana hoggaaminaya taliyihii hore ee ciidanka Danab Ismaaciil Cabdi Maalik iyo guddoomiyaha degmada Ceelboor iyo Xildhibaan Jacfar iyo mas’uuliyiin kale ka tirsan dowladda.

Halkaa ka dhageyso

Goobjoog News