U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Kala Dhexgalay Maleeshiyaad Ku Dagaalamaya Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa maanta kala dhex galay laba maleeshiyo beeleed oo labadii maalin ee lasoo dhaafay, ku dagaalamayay Galgaduud, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray, maleeshiyaadka dagaalamayay ilaa iyo shalay oo dagaalku ka dhex qarxay.

Waxaana degan xaaladda deegaanka Laba-golle oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo ah halka lagu dagaalamay, in ka badan 25 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana dhaawac uu soo gaaray in ka badan 40 kale oo maleeshiyaadka ah, kuwaas oo loo kala qaaday magaalooyinka Cadaado iyo Cabudwaaq.

Ciidanka maanta gaaray deegaanka ayaa ku guulaystay in xabadda la joojiyo iyaga oo ciidan kala dhex dhigay dhinacyada, dagaalka ayaa waxaa uu ka bilowday Barkad laga qodayay deegaanka, waxaana soo baxaya baaqyada ku aadan dagaalkaas iyo sidii loo joojin lahaa oo kasoo baxay waxgaradka labada dhinac.

Inta badan waxaa gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ka dhaca dagaal beeleedyo, kuwaas oo dhaliya khasaare kale duwan, waxaana dagaalku uu imaanayaa iyadoo deegaannada ay ka jirto abaar baahsan, taas oo saamaysay dadka iyo duunyada oo xoolo dhaqato u badan.

Goobjoog News