U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Markale Ku Wajahan Qabsashada Deegaanka Booco

Sheeko:Amniga

Ciidamda dowladda federalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa Todobaadkii labaad oo xiriir ah waxaa ay howlgallo ka wadaan deegaannada  u dhaxeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiil kale.

Howlgalka ayaa  guddoomiyaha gobolka waxaa ku wehinaya saraakiil ciidan oo ay kamidyihiin Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee Janeraal Tawane Axmed Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale, kuwaas oo qeyb ka ah howlgallada dib uga bilowday gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee guutada 5-aad qeybta 27-aad guutada iyo  Danab,  guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalkaan ay ku gaareen deegaanno hor leh oo u dhaxeeya labada magaalo, kuwaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab ayna sii wadi doonaan.

Ciidamadaan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo ka waday deegaanno dhowr ah oo dhaca Koonfurta magaalada Baledweyne, isalamrkaana ay  fariisimo ka sameyteen deegaanada kala ah: Baardheere, Beerxaano, Burdaar, Ceel lahela iyo Nuur Fanax.

Ciidamada iskaashanaya ayaa lasoo warinaya in haatan ay qarka u saaran yihiin la wareegista deegaanka Booco oo dhaca dhinaca Koonfureed ee jiinka wabiga Shabeelle, waxaana deegaankaan uu ka mid ahaa deegaannadii ugu muhiim sanaa ee Al-Shabaab laga saaray, iyadoo ay ciidanka dowladdu ay dib uga soo laabteen markale.

Ciidamada howlgalka ka wada deegaannada dhaca Koonfurta magaalada Baladweyne ayaa waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeymo ka geysanaya goobaha ay Al-shabaabku ay sugan yihiin, howlgalladaan ayaa qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shababa ee soconaya.

Gobollada Hiiraan, Galgaduud Shabeellaha dhexe iyo qeybo kamid ah Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa si isku mid ah uga soconaya howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka oo ku wajahan deegaannada ay Al-shabaabku kaga sugan yihiin goboolladaan, iyadoo lagu jiro wajiga labaad ee dagaalka.

Goobjoog News