U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Sheegay in Gobalka Baay Ay Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Al Shabaab

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in deegaanka Deynuunaay oo qiyaastii 18-km u jirta magaalada Beydhabo ee gobalka Baay ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab ka dib markii halkaasi ay ku dagaalameen.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 12 dagaalame oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay deegaanka Deynuunaay ee gobalka Baay.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka ay ka war qabeen weerarka Al shabaab ay soo qaadeen isla markaana ay ka hortageen haatanna ay iska caabiyeen dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale war qoraala oo ka soo baxay Al shabaab ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in dagaalkii Deynuunaay ay ku dileen 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ma jiraan illo kale oo ka madax bannaan labada dhinac oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay Al shabaab ay ku soo qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Deynuunaay ee gobalka Baay.

Goobjoog News