U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Sheegay Inuu Isku Soo Dhiibay Xubin Ka Tirsanaa Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka oo fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay xubin ka tirsan Al-shabaab, kaas oo sidoo kale lasoo goostay qori AK47. Cabdisamad Liibaan Maxamed oo magaciisa afgarashadu uu yahay  ( Cabdimaalik) ayaa isku soo dhiibey ciidamada qalabka ee ku sugan Galgaduud.

Cabdimaalik ayaa sheegay inuu  Alshabaab u qaabilsanaa keydinta macluumaadka saldhigga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxa uu sheegey in uu Al-shabaab  uga biirey Muqdisho oo laga kaxeeyey 3-sano kahor isagoo ah arday dhigta dugsiga sare ayuu sheegay isagoo  la hadlayay warbaahinta dowladda Cabdisamad.

Waxaa uu sidoo kale xusay markaas kadib inuu  tababarro ku qaatey meelo kala duwan, waxaana uu ugu baaqay saaxiibada kale in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in siweyn loosoo dhoweeyay markii uu soo gaaray Dhuusamareeb ciidankana xoogga uu isku dhiibay Cabdisamad Liibaan.

Marar badan ayaa waxaa dhacay in deegaannada Galmudug lagu soo bandhigay rag isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, waxaana ay ku soo aadaysaa xilli gobollada dalka gaar ahaan deegaannada Galmudug ay ka socdaan howlgallo ay wadaan xiidanka xoogga dalka iyagoo taageero ka helaya dadka deegaanka ee isabaabulay.

Goobjoog News