U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Soo Saaray Miinooyin Lagu Aasay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Hawlgal ay saakay Ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen  Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Degmada Awdhiigle iyo deegaanka KM 50. ayaa waxa ay ku burburiyeen Miinooyin  ay Al-Shabaab   ku aaseen dhul ballaran oo horay looga saaray.

Howl-galkaan Lagu bur buriyay Muniiyinka ayaa waxaa sameeyay ciidamo ka tirsan ururka 66-aad ee Guutada 14 octobar ee Ciidanka Xoogga Dalka somaliyeed ee jooga deegaankaas.

Taliyaha ururka 66-aad ee Guutada 14-octobar ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Axmed Maslax Xuseen oo la hadlay Warbaahinrta qaranka ayaa faah faahiyay howl-galkaan  lagu soo saaray miinooyinka.

Ciidanka Xooga dalka ayaa howl-gallo lagu baacsanayo Al-Shabaab ka waday guud ahaan dalka waxaana gobolka shabeellah hoose howl-gallo ay ka sameeyeen ay kala wareegeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi iyagoo qasaaro xoogan gaarsiiyay  Al-Shabaab sida ay sheegteen.

Goobjoog News