U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Xubno Al-shabaab ah Kusoo Bandhigay Ceeldheer

Sheeko:Amniga
Ciidamada dowlada Xogga dalka ee ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Galgaduud ayaa degmada kusoo bandhigay laba xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda, iyaga oo ka warbixiyay sababta ku kaliftay in ay isaga soo baxaan kooxda.
Horjooge Xussen Daahir Maalin (Dhagey) oo a Al-Shabaab uga biiray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, isla markaana hoggaaminayay dhowr weerar kooxdu ay ku qaaday qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceeldheer.
Ciidanka Gorgor ee Kumaandooska ayaasoo qabtay Horjooge Calas Ibraahim Axmed Barre oo kooxda uga biiray degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, isagoo qorsheynaya inuu dhibaateeyo dad aan waxaba ka galabsan, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidanka  ee ku sugan  Ceeldheer.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay xubnaha ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda, waxaana sidoo kale dhowr jeer ciidanka ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan kooxda, xilli howlgallo ay ku jireen  ciidanka dowladda.
Gobolladda Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan, kaas oo qeyb ka ah howlgalka wajiga labaad ee dowladdu ay ku dhawaaqday in laga fulinaayo qeybo ka mid gobollada dalka, iyadoo Al-shabaab laga saaray deegaanno hore ay ugu sugnaayeen.
Goobjoog News