U bood dhigaalka

Ciidanka Howlgalka Midowga Afrika oo Qeyb Kamid Sanadkaan Dalka Isaga Baxaya

Sheeko:Amniga

Xilli dabayaaqada sanadka soo aadan ee 2024, la qorsheeyay in ciidanka howlgalka midowga Africa ee ATIMIS ay ka baxayaan Soomaaliya ayaa waxaa bartamaha sanadkaan lagu wadaa in dalka laga daadgureeyo kumanaan ka tirsan ciidanka midowga Afrika sida uu sheegay mas’uul u hadalay howlgalka nabad ilaalinta ee EX AMISOM.

Maj. Gen. Marius Ngendabanka  oo ah taliye ku-xigeenka howlagalka cusub ee nabad ilaalilinta ATMIS ayaa sheegay in marka la gaaro bisha June ee sanadkaan qaraarka Qaramada Midoobey uu dhigayo in Soomaaliya laga saaro 2000 oo askari, isaga oo xusay in howlo farsamo ay dib ugu dhaceyso fulinta howshaan bisha August 2023.

Taliyaha oo ka jawaabayay su’aal aheyd howlgalka socda kama muuqataan ayaa ku jawaabay in ciidanka xoogga dalka ay ka taageeraan dhinacyada farsamada, saadka, sirdoon iyo diyaadaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa kale ciidanku istimaalaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay jiraan waqtiyo badan ay ka muuqdeen howlgallada.

Howlagalka ciidamada midowga Afrika oo 15 sano jirsaday ayaa dib loogu ciliyay nabad ilaalinta ATMIS, sanadkii 2022, markaas oo howlgalka AMISOM laga badalay, intii lagu jiray howlgalka ayaa waxaa khasaaro badan kasoo ciidamo u dhashay Uganda iyo Burundi, kuwaas oo la kulmay weerarro kale duwan oo ka dhacay gobollada dalka.

Ciidamada midowga Afrika ayaa Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo sanadkii 2007, xilligaan oo gudaha Muqdisho uu ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kooxda Al-shabaab, waxaana dowladaha ugu badan ee ku tabarucay ciidanka jooga Soomaaliya kamid ah dowlaha Uganda, Burundi, Itoobiya, Kenya iyo dowladda  Jabuuti.

W/Q/Dalmar Abdulkadir Daacad

Goobjoog News