U bood dhigaalka

Ciidanka Israa’iil oo Duqeyn ay Dad ku Dhinteen ka Geystay Gudaha Suuriya

Sheeko:Caalamka

Dowladda Suuriya ayaa Israaiil ku eedeysay in ay ka dambaysay weerar gantaalo ah oo lagu garaacay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalkaasi, waxaana jira khasaare ka dhashay weerarkaas oo soo gaaray dad shacab ah. Milateriga dalkaas ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen, ka dib markii ay  gantaallo ay Israa’iil ku garaacday dhismayaal ku yaalla caasimadda  iyo deegaannada ku xeeran maanta oo Axad ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhismo ku yaalla xaafadda Kafr Sousa ee bartamaha Dimishiq, lagu dilay afar qof oo rayid ah iyo hal askari, degmada oo ay dad badan ku nool yihiin, ayaa waxaa ku yaalla dhismo weyn oo ammaankiisa si weyn loo ilaaliyo.  Israa’iil, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan duqeynta, markii ay wax ka weeydiisay wakaaladda wararka ee Reuters, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan weerarkaas.

Israa’iil ayaa waxay inta badan weerartaa bartilmaameedyada Suuriya ee lala xiriirinayo Iran, iyo dagaal yahannada Xisbullah, laakiin marar dhif ah ayey qirataa weerarka ay geysato. Weerarkii Axaddii, ayaa ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii dhulgariir lagu qiyaasay 7.8 uu ku dhuftay waqooyi-galbeed ee dalkani, iyo sidoo kale qaybo ka mid ah dalka deriska ah ee Turkiga, 12 maalmood ka hor.

Deegaanka Kafr Sousa, ayaa waxaa ku sugan xarunna u yihiin saraakiil sarsare iyo hay’adaha ammaanka, balse waxaa sidoo kale degan dad shacab ah oo ku nool dhismayaasha u dhaw dhaw xarumahan. Duqaynta – oo dhacday 00:22 wakhtiga maxaliga ah (21:22 GMT) – ayaa waxay sababtay burbur soo gaaray guryo badan, oo ku yaalla xaafadaha Dimishiq iyo meelaha kale ee u dhow, sida ay sheegeen saraakiisha Suuriya.

Wasaaradda difaaca ee dalkaas, ayaa sheegtay in gantaalladan laga soo tuuray buuraha Golan Heights, oo ah dhul dhagax ah oo koonfur-galbeed ka xiga magaalada Dimishiq, oo ay Israa’iil qabsatay sannadkii 1981-kii. Kooxda la socodka xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ee fadhigeedu yahay magaalada London, ayaa sheegtay in dhimashadu ay marayso 15 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah, kuwaas oo ay saameeyeen weerarrada.

Weerarkani ayaa waxa uu ku soo beegantay hal bil ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaaday garoonka caalamiga ah ee Dimishiq, sida ay sheegeen ciidamada Suuriya, halkaas oo ay ku dileen afar qof oo ay ku jiraan laba askari sida uu sheegay mas’uul u hadlay Suuriya “Weerarkii Axaddii waa kii ugu khasaaraha badnaa ee Israa’iil ka geysato caasimadda Suuriya,” ayuu yiri Rami Abdel Rahman, madaxa kormeerayaasha.

Israa’iil ayaa horay u qiratay inay bartilmaameedsato saldhigyada kooxaha mintidiinta ah ee daacadda u ah dowladda Iran Labadan dal ayaa isku ah cadow soo jireen ah, waxaana sannadihii u dambeeyay ay ku hawlanaayeen wax lagu tilmaamay “dagaal qarsoodi ah” oo ah weerarro aan la sheegan, oo midba midka kale uu ku qaado hantida, kaabayaasha dhaqaalaha iyo shacabkaba, waxaana horay u dhacay weerarro nuucaan oo kale ah.

Goobjoog News