Ciidanka Kenya Oo Howlgallo Ka Wada Magaalada Mandera

Wararka ka imaanaya magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxay sheegayaan in ciidanka dalkaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan xaafadaha magaalada Mandera.

Ciidamadaan ayaa la sheegay iney galayaan inta badan guryaha Mandera, waxaana saraakiisha howlgalkaan hoggaamineysa ay sheegeen iney baadi goob ugu jiraan rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in howlgalkaan ay ciidanka ku qabteen dad lala xiriirnayo iney xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab, balse baaritaanno lagu wado.

Waxaa sidoo kale Mandera ka jirta Cabsi ah in Al-shabaab ay mar kale magaaladaasi weerar ka geystaan.

Dhanka kale dadka Kenyanka ah ee deggan magaalada Mandera waxaa soo wajahay cabsi ah in weeraro ay kala kulmaan Al-shabaab.

6-dii bishan ayaa rag ka tirsan Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen hoy ay deganaayeen muwaadiniin Kenyan ah, islamarkaana aan deegaankaaasi u dhalan, waxayna halkaasi ku dileen 6 qof.

Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya wixii ka dambeeyay markii ciidanka Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

Goobjoog News

Related Articles

37 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW