U bood dhigaalka

Ciidanka Liyu Police iyo Al-shabaab oo Weli Ku Dagaalamaya Xuduudda

Sheeko:Amniga

Waxaa wali soconaya dagaallada u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidanka Liyuu Police ee xadka gobolka Bokool uu la wadaago dalkaas, waxaana dagaalka u dhaxeeya labada dhinac uu markale dib uga qarxay deegaanka Aato oo u dhow xadka labada dal, waxaana kasoo baxay warar kale duwan khasaarihii ugu dambeeyay iyo guulaha labada dhinac ay kale sheeganayaan.

Al-shabaab ayaa baraha bulshada ay isticmaalaan waxaa ay ku faafiyeen in dagaalkii ka dhacay xadka ay guulo badan ka gaareen ayna ku dileen ciidan ka tirsan Liyuu Police, halka ay ku qabteen maxaabiis iyo saanad ciidan sida ay hadalka u dhigeen, sida ay muujinayaan sawirro ay ku baahiyeen barahooda, iyagoo xusay in dagaalka ay ku dileen askar badan.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda waxaa ay sheegtay in dagaalka socda ee bilowday shalay oo Jimco ah ciidamada cirka dalkaas ay duqeymo ku dileen saraakiil sare oo Al-shabaab ah oo uu ku jiro Fu’aad Maxamed Qalaf madaxii dacwada ee Al-shabaab iyo saraakiil sare, mana jiro war kasoo baxay Al-shabaab oo dhankooda cadeynaya geerida horjoogayaasha la dilay.

Dalgaalka u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidanka Liyuu Police oo kaashanaya kuwa federalka ayaa waxaa uu galay asbuucii labaad waxaana dhowr jeer uu ka dhacay xadka Hiiraan iyo Bokool ay la wadaagaan dalkaas, dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay hore u sheegtay in ay soo gabagabaysay dagaalkii ka dhacay gudaha dalkaas, kadib markii Al-shabaab ay galeen Afdheer.

Gobolka Bokool oo xad la wadaago dowladda Itoobiya ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haayo xoogagga Al-shabaab, tii oo ay jirto in go,doon ay saareen deegaanno badan oo ka tirsan gobolka, waxaana mas’uuliyiinta dowladda iyo  Koonfur Galbeed ay ku tagaan diyaarado, mana jiro ganacsi u gudba gobolka oo marar badan waxaa la gubay gadiid iyo badeeco.

Goobjoog News