U bood dhigaalka

Ciidanka Lyu Police iyo Al-shabaab oo Guulo Ka Sheegtay Dagaalka u Dhaxeeya

Sheeko:Amniga

Waxaa wali  socda dagaal u dhaxeeya ciidanka Lyu Police iyo Al-shabaab, kadib markii xoogag ka tirsan Al-shaab ay weerar ku qaadeen xeryo ay ciidankaan ku leeyihiin deegaannada Yeed iyo Aato oo gobolka Bokool ka tirsan, iyagoo markii dambe gudaha u galay dowlad deegaanka Soomaalida.

Al-shabaab ayaa baraha bulshada ay isticmaalaan waxaa ay ku faafiyeen in dagaalkii shalay dhacay ay ku dileen in ka badan 80 askari oo ka tirsan Lyu Police, goobihii lagu dagaalamay ayaa waxaa isaga qaxay dadkii deegaanka, wararku waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ay gudaha u galeen xadka labada dal, kadib dagaalka.

Ciidanka  Lyu Police-ka ayaa dhankooda sheegtay in Al-shabaabkii gudaha u galay dowlad deegaanka ay ku hareeraysan yihiin ciidankooda, deegaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer, Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo socday muddo ku dhow labo cisho.

Marka laga tago sawirrada Al-shaab ay baahiyeen Ciidamada Liyu Booliska ayaa dhankooda sheeganaya inay guulo gaareen,  waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee Shabaab kasoo gaaray dagaalka, kaas oo maalintii labaad soconaya, Mana jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya oo ka hadlay.

Goobjoog News