U bood dhigaalka

Ciidanka Nabad sugidda iyo kuwa Asluubta oo ku dagaalamay degmada Doolow

Sheeko:Amniga

Ciidanka Asluunta Dowladda Federaalka iyo kuwa NISA ayaa maanta dagaal  ku dhaxmaray degmada Dolow ee Gobolka Gedo.

Dagaaalkan waxaa ku dhaawacay Taliyaha Nabad sugidda degmada Doolow Xasan Cidad waxa sidoo kale dhaawac ah Sarkaal kale oo NISA ka tirsan.

Lama oga sababaha dagaalkan keenay iyo waxa la isu qoomay , hase ahaatee dadka degaanka ayaa mar keliya ka war helay dagaalkan.

Saraakiisha Dowlada ee Gobolka Gedo ku sugan wali wax war ah ma aysan ka soo saarin dagaalka maanta ciidanka Asluunta iyo kuwa Nabad sugidda ka dhaxmaray degmada Doolow

Goobjoog News