U bood dhigaalka

Ciidanka Nabadsugida Iyo Sirdoonka Jubbaland Oo Sheegay inay Qrax Fashiliyeen

Sheeko:Amniga

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo ku soo bandhigay Miino nooc dhulka lagu Aaso oo ay sheegeen in la doonayay in lagu Aaso Wadada.

Saraakiisha Ciidanka Jubbaland oo ku sugnaa halka lagu soo bandhiyay Miinada, ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay ku guleeysteen iney fashiliyaan Miinada oo sida ay tilmaameen lala damacsanaa in Shacabka isticmaala Wadada xiriirisa Kismaayo Cabdalla Biroole lagu dhibaateyn rabay.

Sikastaba Taliska Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa dhowr mar soo bandhigay Miino ay sheegeen in  la doonayay in lagu  dhibateen rabeen Shacabka ku nool Degaannada Jubbaland.

Goobjoog News