U bood dhigaalka

NISA Oo Howgallo Ka Wada Ceelasha Biyaha

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho Cabdiraxmaan Garyare ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidanka dowladda federaalka ay howlgallo maanta ka wadaan degaanka Siinka Dheer illaa Ceelasha Biyaha.

Howlgalladani oo ay wadaan ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda qaranka ayaa yimid markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay bar ciidan oo ku taalla Siinka Dheer.

Ciidamada ayuu sheegay inay howlgalladani ku baadigoobayaan halkii laga soo abuubulay qaraxa islamarkaana lagu xaqiijinayo ammaanka.

“Waxaan ogaannay kaliya in gobolka Shabeellaha Hoose qaraxa markii hore laga soo abaabuley balse ma cadda in barta uu ka dhacay lala doonayay iyo meel kale, waxaana ku dhaawacmay labo askari iyo afar qof oo shacab ah” ayuu yiri guddoomiyaha degaanka Garasbaaley oo qaraxaasi uga warramay Goobjoog News.

Warar horraantii qaraxa markii uu dhacay soo baxay ayaa sheegaya in hal askari uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay qaraxaasi.

Waxa uu sheegay in ammaanka si weyn loo adkeeyay oo ciidanka NISA ay baaritaanno adag ka wadaan degaannada ku xeeran Siinka Dheer oo uu qaraxa ka dhacay.

Xaaladda ayaa hadda yara deggan waxaana howlgalladani la ogeyn waxa ka soo bixi doona, ciidanka ayuuna sheegay wixii ay ku soo qabqabtaan inay soo bandhigi doonaan.

Goobjoog News